Kahmiis: June 30, 2022
Boqorka dalka Bahreyn Boqor Xamad Bin Ciisa Al Khaliifa ayaa hambalyo ku aadan maalinta xoriyada dalka usoo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Boqorka ayaa madaxweynaha ugu duceeyay in uu caafimaad iyo farxad uu siiyo, shacabka Soomaaliyeedna uu siiyo xasilooni iyo barwaaqo.
Waxaa uu sidoo kale in dowladda Bahrain ay ka go,an tahay taageerada dhinacyada kala duwan ee Amniga iyo Iskaashiga Caalamiga.
Soomaaliya ayaa todobaadkaan ku gudajirta todobaadka Xoriyadda, waxaana sanadkaan maalmaha xoriyadda ay kusoo beegmeen xilli ay abaaro ba,an ay dalka ka jiraan.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________