Sabti: June 25, 2022
Xaflad ballaaran oo loogu dabaaldegayo Munaasabada 26-ka Juun oo ah markii gobolada Woqooyi ay ka xoroobeen gumeysiga Ingiriiska ayaa caawa ka socota xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadan ayaa waxaa ku sugan masuuliyiin uu ka mid yahay Raisul Wasaaraha cusub ee Somalia Xamza Cabdi Barre iyo dadweyne, iyadoo la filayo iney goob joog ka noqdaan calan saarka oo dhici doona caawa saqda dhexe 12:00am
Kooxda fanaaniinta hobolada Waaberi ayaa xaflada ka qaadaya heeso iyo suugaan kale oo ka turjumeya munaasabada 26ka Juun
Madaxweyne Xassan Shiikh ayaan ka soo qeyb gelin Munaasabadan sababo la xiriira xanuunka COVID-19 oo laga helay inkastoo sida uu sheegay caafimaadkiisa uu wanaagsan yahay.
about:blank Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta waxay xireen wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood. gaar ah jidadka gala xarunta gobolka Banaadir.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________