672 Views

Maxamed Bin Salmaan oo la kulmaya Recep Tayyip Erdogan

Maxamed Bin Salmaan oo la kulmaya Recep Tayyip Erdogan
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 22, 2022

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa safarkiisii ​​ugu horeeyay ku tagaya dalka Turkiga, tan iyo markii weriyeJamal Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Caro caalami ah ayaa ka dhalatay dilka weriyaha afar sano ka hor taas oo Sacuudiga u horseeday in la geliyo go’doon diblomaasiyadeed.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa hadda soo dhaweeyay dhaxal sugaha Sacuudiga, kaas oo iska fogeeyay eedeymaha ah inuu amray dilka Mr Khashoggi.

Dadka falaanqeeya siyaasadda gobolka ayaa sheegaya in rajada maalgashiga cusub ee Sacuudiga ay gacan ka geysan doonto kobcinta dhaqaalaha liita ee Turkiga.

Maxamed bin Salmaan waxa uu booqday Urdun iyo Masar horaantii todobaadkan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post