Isniin: Jun 20 . 2022
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda hey’adda I.O.M ee Soomaaliya, kulankaas oo uu goob joog ka ahaa xog’hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo Xaririiyaha Arrimaha Baniaadanimada ee Xafiska Xalka Waara ee G/Banaadir.
Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo dardargalin lahaa dhismaha dhul baaxad leh oo ku yaala degmada Hiliwaa kaas oo ay Dowlada Hoose ee Mogadishu bixisay dhul ay ugu talagashay in lagu deegaameeyo ama Dib-udajin loogu sameeyo dadka Barakacyaasha ah ee kunool Caasimadda.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa tilmaamay in dhismaha dhulkaas u qeyb ka qaadan doono daryeelka dadka Barakacayaasha ah, Bilicda Caasimadda iyo Nabadgalyada.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________