Axad: June 18, 2022
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu safar shaqo ku gaaro deegaanka Dhooblay ee gobolka Jubbada Hoose.
Ujeedka safarkaan ayaa ah sidii xal waaro looga gaari lahaa colaado soo noqnoqday oo u dhaxeeyo beelo walaalo ah oo halkaasi wada degan.
Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Jubbaland uu kulamo kala duwan la qaato odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta degaanka Dhooblay iyagoona Wafdigan Madaxaynaha ay maalmaha soo socda sii joogteyn doona dhoobley
Sidoo kale Wafdi uu horkacayay wasiirka arrimaha gudaha federaalka Iyo dib u heshiisiinta Jubbaland Generaal Maxamed Warsame Darwiish islamarkaasina ay qayb ka ahaayeen, Masโuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo hordhac u ah safarka madaxweynaha Jubbaland uu ku tagayo Dhooblay ayaa halkaasi gaaray.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________