Talaado: June 14, 202
Shir uu guddoominayay Guddooomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland Axmed Yuusuf Taaran waxaa qeyb galay Guddomiyaha Gobolka Nugaal,Xeer Ilaaliyaha Guud,Gudoonka Maxkamadda darajada 1aad ee Nugaal, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, Sarakiisha Booliska Nugaal Iyo Masuliyiinta Dambi Barayaasha Booliska ee (C.I.D).
Shirkaan intii uu socday waxaa lagu lafa guray wada shaqaynta Booliska Nugaal Iyo laamaha Garsoorka ee Puntland, waxaana warbixino looga dhagaystay taliyaasha Saldhigyada.
Taliyaha Qeybta Booliska Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay laamaha Garsoonka iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland siday u wada shaqeyaan isagoona sido kale faray taliyaasha saldhigyada in la dardar galiyo wadashaqaynta lamaha Garsoonka.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________