Sabti: May 28, 2022
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay imtixaanaadka fasalka 8-aad ee 2021-2022.
waxaa imtixaanaadka Caasimada Dowladda Galmudug ka daahfuray ee Dhuusamareeb Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mursal Cabdi Aadan, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Nuur Cilmi Ganey iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Cali-Bashiir Cilmi Xuseen oo ay weheliyeen qaar kamid ah Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Agaasimaha waaxda imtixaanaadka Axmed Xuseen kheyre .
Imtixaanaadka fasalka 8-aad ee 2021-2022 waxuu ka dhacayaa 22 Xarun imtixaan oo ku kalayaal 12 Degmo ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud, Waxaana maanta Imtixaanka si rasmi ah u ugu fariistay 3,382 arday.
Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug waxay guul urajeynaysaa ardayda Galmudug ee maanta Imtixaanka u fariistay.
Ugu danbayn waalidka waxaa laga codsanayaa in ay ardayda qureec soo siiyaan afarta maalin ee imtixaanku socda.
.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________