Arbaco: May 25, 2022
Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Beni-aadannimada iyo gurmadka abaaraha ee Soomaaliya Mudane Xildhibaan Abdirahmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la kulmay Guddiga Gurmadka Abaaraha.
Guddiga Gurmadka Abaaraha, ayaa soo bandhigay xogaha la xariira abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen guud ahaaan dalka.
Ugu dambayn, Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Beni-aadannimada iyo gurmadka abaaraha ee Soomaaliya, ayaa u mahad celiyey guddiga, isagoo ugu baaqay in ay wadashaqayn buuxda yeelan doonaan, si dalka looga samatabixiyo abaaraha.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________