Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo Khamiis ah guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansxiyay xeerar dhowr ah.
Shirka oo ay fadhiyren inta badan Golaha Wasiirada ayaa Maanta Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.
Intii uu Shirka socday Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ayaa warbixino kala duean ka dhageystay qaar kamid ah Golaha Wasiirada taas oo la xiriirtay Shaqadooda, isaga oo ugu baaqay ibau dardar geliyaan.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________