822 Views

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo la kulmay iyo Raisal Wasaare Rooble oo xaal-mariyey

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo la kulmay iyo Raisal Wasaare Rooble oo xaal-mariyey
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 12, 2022

 Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah saraakiisha sare ee ONLF ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, sanado kadib markii ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay dowladda Ethiopia.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble,
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xafiiskiisa iyo xarunta xukuumadda ku qaabilay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa Qalbi dhagax ka xaalmariyay gaboodfalkii lagula kacay isaga iyo ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Halgamaa Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbidhagax huwiyay calanka jamhuuriyadda, guddoonsiiyayna billad, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen, muwaadinkan Soomaaliyeed ee sida gardarrada ah loogu gacan galiyay dal shisheeye.”

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Rooble ayaa 23-kii bishii Janaayo ee sanadkan baabi’isay go’aan ay horay u gaareen Golaha Wasiirradu, kaas oo Qalbi-dhagax iyo ONLF ku tilmaamay argagixiso.

Qoraal xilligaas kasoo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay In dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) “ay ahayd xad-gudub lagula kacay Dastuurka Ku Meel-gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 4aad, Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobkiisa 11aad iyo Hab-raacyada uu jeexay Habka Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobaddisa 278 & 279.”

Dhiibista Qalbi-Dhagax ee Itoobiya ee 2017-kii ayaa caro xooggan ka abuurtay gudaha Soomaaliya, waxayna noqotay mid ka mid ah qodobada sida aadka ah loogu dhaliilo dowladda federaalka

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post