Talaado: May 10, 2022
Xaafadaha kuyaala waqooyiga iyo bariga magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa haatan ka bilaawday barakac ay sameynayaan dadka shacabka ah ee ku sugan halkaasi sida uu KNN u xaqiijiyay Farxaan axmed fiicane oo ah wariye degaanada Galmudug uga soo warama Idaacadda Kulmiye.
Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay in Dadkaan ay ka cabsi qabaan in lugu dul dagaalo, maadaama ey jirto cabsi ah in ururka Ahlusuna ee bohol ku sugan ey soo weeraraan magaalada Guriceel.
Saraakiisha Ahlusunna ayaa sidoo kale qaarkood lasoo xiriiray Qoysaskooda, iyagoona la wadaagay in uu jiro howlgal ay sameeynayaan sidaa awgeedna ay magaalada isaga baxaan.
Dhinaca kale Dowladda Somalia ayaa maanta qorsheyneysa in ay Gurceel ka dajiso sida aan kasoo xiganay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida Ciidan gaaray ilaa 200 oo Askari oo ka tirsan Ciidamada Sida gaarka ah utababaran ee Haramcad
Office Nairobi kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________