Arbaco: May 4, 2022
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Muqdisho ka wada kulamo siyaasadeed oo uu la yeelanayo madaxda dowladda iyo kuwa hore xilal usoo qabtay, kuwaas oo looga hadlay Arrimaha doorashooyinka dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa hoygiisa ku qaabilay ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guleed, waxaana looga hadlay marxaladda kala guurka ah ee doorashada dalka.
Sidoo kale, Raiisul Wasaare ku-xigeenka Xil. Mahdi Guleed oo u hambalyeeyay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ayaa waxa uu sidoo kale bogaadiyay dadaalada socda ee looga gol leeyahay dhameystirka doorashooyinka iyo soo af-jaridda marxaladda kala guurka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay booqasho ugu yimid Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Kulanka wuxuu ujeedkiisu ahaa salaan iyo hambalyo, waxaana uu Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________