Khamiis: April 28, 2022
Qoraal kasoo baxay xalay Guddiga maamulka doorashada Hirshabeelle ayaa lagu shaaciyay Jadwalka dooraahada kuraastii ugu dambeesay ee taalay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oooseddex ah.
Kuraasta la shaaciyay mid ka mid ah waxaa hore ugu fadhisay Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi taas oo magaalada Beledweyne xili ay ku sugneed qarax ismiidaamin lagu dilay, xili ay waday olole ku aadan sidii ay dib ugu soo laaban lahayd doorashada kursigaas, waxaana uu tirsigiisu yahay HOP#135.
Kuraasta uu Guddiga doorashada Hirshabeelle soo saaray jadwalkooda ayaa kala ah HOP#141, HOP#146 iyo HOP#135.
Kursiga HOP141, waxaa hore ugu fadhiyay Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow halka kursiga HOP#146 uu hore ugu fadhiyay wasiirka amniga gudaha soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Sidoo kale, kursiga HOP#135, ee ka mid ah kuraasta jadwalkooda la shaaciyay, waxaa hore ugu fadhisay Allah ha unaxariistee Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi oo lagu xasuusto inay ahayd tiirkii cadaaladda iyo inay ka hadasho marxalada cakiran uu dalka ku jiray.
Qoraalka ka kasoo baxay Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa lagu shaaciyay in doorashada kuraastaas ay dhici doonto 28-ka ilaa 30-ka bishaan April.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________