1023 Views

Ukraine oo ku hanjabtay inay ka baxayso wadaxaajoodkii Ruushka hadii ay ku dhaqaaqaan tallaabada laga cabsi qabo

Ukraine oo ku hanjabtay inay ka baxayso wadaxaajoodkii Ruushka hadii ay ku dhaqaaqaan tallaabada laga cabsi qabo
____________________________________________________________________________

Axad: April 24, 2022

Madaxweynaha waddanka Ukraine, Volodymyr Zelenesky, ayaa markale ku adkaystay in Kyiv ay isaga bixi doonto wadahadallada ay kula jirto Moscow haddii la laayo ciidamadiisa iyo dadkiisa rayidka ah ee ku xayiran magaalada Mariupol.

Madaxweyne Zelensky iyo hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa labadooduba lagu waday inay la kulmaan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres toddobaadka soo socda, iyadoo la filayo in ajandayaasha ay ku jiraan, in la helo marino bani’aadannimo, si loogu oggolaado rayidka inay ka baxaan Mariupol.

Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka, Antony Blinken, iyo Xoghayaha Difaaca, Lloyd Austin, ay maanta oo Axad ah imanayaan magaalada Kyiv.

Haddii arrintaas la xaqiijiyo waxa ay noqanayaan wufuuddii ugu heerka saraysay ee Ameerikaan ah oo ay Washington Ukraine u soo dirto tan iyo bilowgii duullaanka Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine oo sheegay inuu ku qanacsanyahay in dalkiisa uu ku guulaysan doono dagaalka uu kula jiro waddanka Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post