903 Views

Mid Kamid ah Musharaxiinta Loogu Hadal haynta Badanyahay Doorashada Gudoomiyaha BFS Oo Qaatay Shahaadad Musharaxnimadiisa.

Mid Kamid ah Musharaxiinta Loogu Hadal haynta Badanyahay Doorashada Gudoomiyaha BFS Oo Qaatay Shahaadad Musharaxnimadiisa.
____________________________________________________________________________

Guddiyada doorashooyinka Guddoonada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Muqdisho ka wada diiwaangelinta musharrixiinta guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Guddiga oo shalay diiwaangeliyay Musharrixiin farabadan ayaa Maanta diiwaangeliyay musharrixiinta kala ah oo uu kamid yahay Xildhibaan Saadaq C/laahi Cabdi oo kamid ah musharaxiinta ugu miizaanka culus ee u tartamaya Gudoomiyaha Golaha shacabaka.

Musharax Saadaq C/laahi Ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanayahay in maanata uu kamid noqdo hogaanka dowlad dhiska soomaaliya isaga oo sheegay hadii uu ku guuleyso xilkaasi in uu bulshada somaliyeed ugu adeegi doono si daacadnimo wax weyna uu ka qaban doono howlaha horyaal baarlamaanka 11-aad ee dhawaan la dhaariyey.

Guddiyada ayaa sii wadi doona diiwaangelinta musharriiinta guddoonada labada Aqal, iyada oo ay jiraan musharrixiin farabadan oo aan weli is diiwangelin, balse saacadaha soo socda is diiwaanelin doona.

Maalinta Berito oo Khamiis ah ayaa la soo geba-gabeyn doonaa hadii aan wax isbedelin diiwaangelinta musharrixiinta Guddoonada labada Aqal, iyada oo doorashada Guddoonka Aqalka Sare ay dhici doonto 26 Bishaan halka 27 la qabanayo doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post