Isniin: April 11, 2022
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa hambalyo ku aadan munaasabadda 12-ka April u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wasiir Cabdulqaadir ayaa, dableyda, alifleyda, saraakiisha, saraakiil xigeennada iyo Xaasaskooda u diray hambalo ku aadan 62 sano sanaguuradii ka soo wareegatay aaska ciidanka xoogga dalka ee sanadkii 1960-kii oo ku beegay 12-ka bishan.
Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku booriyay ciidanka xoogga dalka inay labo jibaaraan dagaalka ay kula jiraan cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________