Axad: April 10, 2022
Cabdullaahi Maxamed Nuur Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu wado qorshooyin khatar ku ah dalka, ujeedka uu ka leeyahayse ay tahay in Villa Somalia uu kusoo joogo waa sida uu hadalka u dhigee.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa soo hadal qaaday go,aanka Farmaajo ee uu dalka kusii joogayo Danjirihii Midowga Afrika ay dalka ka eriday Xukuumadda RW Rooble, isagoo sheegay in sababta Madaxweyne Farmaajo uu ku difaacayo Danjire Francisco ay tahay sidii uu iskaga hor keeni lahaa Shacabka iyo Ciidamada Midowga Afrika sidii uu isaga hor keeni lahaa.
“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday sidiisaba waa nin aaminsan in uu dhex fadhiyo Villa Somalia, waa nin jeclaan lahaa haddii uusan sii joogi Karin in uu dalka u gacangeliyo Al-Shabaab, waxa uu ka shaqeynayaan sidii uu isaga hor keeni lahaa Shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka Nabad ilaalinta Dalka u jooga” Ayuu yiri Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Sidoo kale, Wasiirka Amniga XFS ayaa wacad ku maray in aysan dhici doonin in Danjire Madeira uu dalka ka shaqeeyo, iyada oo la iska indha-tirayo go’aanka Eryidda ah ee Xukuumadda Federaalka Dalka uga saartay.
“Madeira oo ah qofka la garanayo ayaa dalka dib ugu soo laabanayo kana sii ahaanayo Danjire wax dhacaayo ma aha, iyaguna way garan karaan, waana arki doontaan haddii aysan noqon saacadaha soo socda in maalmaha soo socda sheekadaas way iska dhammaaneysaa” Ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi.
Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in haddii lagu guuleysto dhaarinta Baarlamaanka 11aad ee JFS dalka uu ka badbaadayo khatarta kusoo wajahan, balse haddii lagu guuldareysto halista ay noqon doonto mid sii taagnaata.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________