549 Views

Baarlamaanka Pakistan oo xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaare Imran Khan

Baarlamaanka Pakistan oo xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaare Imran Khan
____________________________________________________________________________


Axad: April 10, 2022

Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Pakistan ayaa xalay xilkii ka xayuubiyay Ra’isul Wasaare Imran Khan, kaddib marki ay soo gaba-gabeeyeen ismari-waa qaatay ku dhawaad 14 saacadood, kadibna ay qaadayeen codka kalsoonida.

Afhayeenka Aqalka Hoose Ayaz Sadiq ayaa sheegay in xisbiyada mucaaridka ay 174 cod ka heleen 342-da xubin ee golaha, taas oo ka badan codadkii ay doonayeen in ay xilka uga qaadaan Ra’isul Wasaaraha.

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah xubnaha isbaheysigiisa ayaa ku eedeeyay Khan inuu ku fashilmay dhaqaalaha sii liicaya ee Pakistan iyo in uu ka dhabeeyn waayay ballan-qaadyadi uu sameeyay intii uu socday ololihii isaga lagu soo doortay.

Imran Khan oo ah 69 jir ayaa xakumayay Pakistan muddo ka badan 3 sano, waxaana lagu wadaa in aarlamaanku nuu Isniinta berrito ah soo doorto ra’isulwasaare cusub.

Pakistan ayaa ah dal ku hubeysan niyukleer, waxana shacabkiisu ay ka koobanyihiin 220 milyan oo ruux.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post