Sabti: April 9, 2022
Guddiga hirgalinta Doorashooyinka, ayaa maalintii Toddobaad wado Shahaado siinta Xildhibaanada la soo doortay, waxaa maanta Shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, qaatay tiro kamid ah Xildhibaanada dhawaan la soo doortay.
Xubnaha Guddiga ayaa sheegay in Shahadada ay gudoonsiyeen Xildhibaanada kala ah, Farxaan Cali Maxamuud AS#10, Cabdirisaaq Maxamed Cosmaan AS#03 iyo Sahra Cabdullaahi Cigaal (Bundubte) GSH#094
Guddiga waxuu sheegay intii ay socotay shaqada Shahaadada gudoonsiinta Xildhibaanada, in ku dhawaad 200 oo Xildhibaan ay qaateen Shihaadada rasmiga ah ee Xildhibaannimo, waxayna intaas ku dareen in ay sii wadi doonaan shaqada tan iyo inta laga gaarayo 13 bishaan xilligaas oo ay ku eg tahay Shihaado Siinta Xildhibaanada.
\Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________