Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxaa ay Maanta Shahaadada Xildhibaannimo iyo kaararka Aqoonsiga siiyeen Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Shalay guddiga waxaa ay diiwaangeliyeen ilaa 54 mudane halka Maanta ay Shahaadada Xildhibaannimo ay guddoonsiiyeen 56, waxaana tirada Guud ee Xildhibaannada Shahaadada la siiyay ay gaarayaan ilaa 110 mudane.
Xildhibaannada Maanta Shahaadada iyo kararka Aqoonsiga la siiyay ayaa ka kala socda dowlad Goboleedyada kajira dalka, waxaana ay isugu jiraan mucaarad iyo muxaafad intaba.
Guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Mowliid Mataan oo Warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay in Xildhibaannada labada Aqal ee dooran inay si deg deg ah shahaadada ku qaataan si waqti kale uusan uga lumin.
Xildhibaannada dooran ee kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed ayaan weli qaaday Shahaadada Xildhibaannimo marka laga reebo Saddex Xildhibaan oo Maanta la siiyay, kuwaas oo u sharaxan xilk Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Hoos Ka Akhriso Qaar kamid ah Xildhibaannada Maanta Shahaadada la siiyay
Salah Ahmed Jama AS#34
Guled Bihi Abdi GSH#255
Ahmed Osman Dirie GSH#233
Abdinur Ali Aden GSH#028
Mohamed Sheikh Noor Osman GSH#107
Abas Ali Ibrahim GSH#111
Mohamed Abukar Ali GSH#025
Adar Hared Jibril GSH#132
Mohamed Abdurahman Nadif GSH#124
Bihi Iman Egeh GSH#237
Abdiqani Ismail Said GSH#241
Mohamoud Abdirahman Omar GSH#272
Adnan Osman Elmi GSH#236
Omar Yusuf Qaladid GSH#136
Ahmed Mohamud Jama GSH#029
Nasro Mahdi Arale GSH#023
Leylo Nur Maah AS#07
Sahra Jama Ali GSH#134
Dr. Ahmed Adam Ahmed GSH#127
Hassan Dahir Yarow AS#05
Zaynab Mohamed Amir GSH#267
Asad Abdirisaq Mohamed GSH#120
Yusuf Mohamed Ismail GSH#118
Ilyas Badal Gabose AS#01
Mohamed Hassan Adam GSH#133
Hamza Abdi Barre GSH#203
Abdi Hashi Abdullahi AS#33
Abdullahi Adan Ahmed GSH#193
29 . Leila Ahmed Ism
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________