Isniin: March 28, 2022
Maanta oo isniin ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Beledweyne lagu qabto doorashada kursiga HOP#058, kaas oo ka mid ah kuraasta taala Magaaladaas.
Guddiga maamulka doorashada ayaa shalay dib u dhigay doorashada kursigaas, iyagoo aan sheegin sababta dib looga dhigay, balse warar soo baxayay ayaa jiray oo digniino amni ah.
Musharaxiinta ku tartami doono kursiga doorashadiisa la qabanayo Beledweyne ayaa kala ah; Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ahaa Agaasimihii hore ee Hayโadda NISA, En, Yoonis Maxamed Nuur, Cali Cabdullaahi Cosoble, Cabduqaadir Xuseen Coloow, Maxamuud Afdhuub Makaraan, Cabdullaahi Axmed Xuseen iyo Ubax Cali Sheegow
Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle waxaa ku harsan doorashada kuraas dhowr ah ee deegaan doorashadoodu kale deegaan doorashooyinka Maamulkaas ee Jowhar iyo Beledweyne, iyadoo lagu wado in ugu dambeeyn 15-bisha soo socoto la soo gaba gabeeyo doorashada xildhibannadana la dhaariyo si ay wajibkood u gutaan
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________