Khamiis:March 24, 2022
Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa wuxuu si kulul u cambaareyay weerarradii khasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday xarumo ku yaalla gudaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
“Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibbanayaasha, wuxuuna u rajeynayaa kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah. Wuxuu ku baaqayaa in dambiilayaasha weerarka geystay cadaaladda la horkeeno”ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray.
Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in Qaramada Midoobay ay si buuxda u garab taagan tahay una taageereyso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, sida uu hadalka u dhigay, isagoona sheegay inay ka go’an tahay inay ku taageerto sidii nabad iyo amni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________