Talaado: March 22, 2022
Ciidamada Ruushka, ayaa sii daayey wariye Viktoriya Roshchyna, kadib markii cadaadis ku saareen iney iyaga ku amaanto film, si lafaheeda looggu badbaadiyo, sidaasi waxa qorey website-ka Ukrayinska Pravda (UP).
Warbaahinta taageerta Ruushka iyo kanaalada Telegram-ka, ayaa baahiyey muuqaal uu haweeneyda reer Ukraine ee wariyaha ah Roshchyna ku sheegay in ciidamada Ruushka ay badbaadiyeen nolosheeda, si wanaagsanna ula dhaqmeen markii ay gacanta ku hayeen.
Viktoriya waxey kusii jeedday Zaporizhchya, oo ku taalla koonfur-bari ee Ukraine, waana wariye katirsan Tv-ga Hromadsk ee xaruntiisu tahay, UP ayaa sidaasi qortey.
Tan iyo markii uu bilowdey duullaanka Ruushka, iyo kahor inta aan la qabsan, Roschyna ayaa ka warantey bariga iyo koonfurta Ukraine.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________