Arbaco: March 16, 2022
Waqooyiga Caasimadda Ukraine ee Kyiv, ayaa waxaa Saakay duqeymo cusub ka geysta Ciidamada Ruushka, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay uga digtay Ruushka isticmaalka hubka kiimikada.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhigiisa Ruushka ugu digay in ciidamadiisa ay adeegsadaan Hubka halista badan ee Kiimikada, isaga oo sidokale ku dhawaaqay in uu Ukraine uqoondeeyay gargaarka bini’aadannimo iyo mid milatari oo ku kacaya $ 13.6 bilyan.
Midowga Yurub ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay xirmo afraad oo cunaqabateyn ah oo ka dhan ah Ruushka, sababa la xariira dagaalka uu ku haayo Ukraine.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________