Talaado: March 8, 2022
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku tilmaamay xaaladda Ukraine mid walaac leh, wuxuuna ku baaqay in xaaladda la dejiyo.
Sida uu sheegay telefishanka dawladda Shiinaha ee CCTV madaxweyne Xi ayaa hadaladan ka jeediyay kulan foogaan arag ah oo uu la yeeshay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz.
Xi ayaa sheegay in muhiimadu tahay in laga hortago in xaaladda Ukraine ay faraha ka baxdo, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay inay si wadajir ah loo taageero wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.
Office Nairobi kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________