Sabti: March 5, 2022
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Hargeysa maanta ka furay xarun ay cabashadooda ku soo gudbin doonaan haweenka tacaddiyada iyo gaboodfallada la kulma.
Xaruntan ayaa noqon doonta mid dumarka tacadiyada la kulma sida kufsiga ay la soo xiriiri karaan si wax looga qabto.
Nafisa Yuusuf Maxamed, oo ah agaasimaha ururka Haweenka ee Nagaad ayaa BBC-da u sheegtay in xaruntan lagu tacaali doono kiisaska la xiriira kufsiga iyo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka.
Madaxweynaha oo ka hadlayay furitaanka xarunta ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay waxka qabashada dhibaatada loo geysto dumarka.
“Tacadiga Dumarka ee dhibaatooyinka leh ee Caafimaadka khuseeya ee maskaxiyan mooralka khuseeya ee aynaan hore u aqoon Soddonkan sanno ee u danbeeyey mooyee waynu ka midaysanahay inaynu ka dagaalano” ayuu yiri Muuse Biixi.
Office Nairobi kenya
Office Nairobi kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________