Talaado: March 1, 2022
Sarkaal firfircoon oo ka tirsanaa ciidanka Ahlu-Sunna ee ku sugan deegaanka Bohol ee gobolka Galgaduud ayaa maanta iska dhiibay magaalada Dhuusamareeb. Isagoo ka goostay kooxda Ahlu-Sunna.
Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Sayed-Cali Cabdi Xaashi ayaa hub, ciidan iyo hal gaari oo nooca raaxada ah kala soo goostay Ahlu-Sunna.
Waxuu isku dhiibay ciidanka booliska Soomaaliya ee Dhuusamareeb ka howlgala, sidoo kale waxaa naloo xaqiijiyey in horay uu uga tirsanaa booliska Soomaaliya.
Sayed-Cali ayaa ka mid ahaa saraakiishii wax ka aas-aastay ciidanka Ahlu-Sunna ee ku sugan deegaanka Bohol, kuwaas oo Galmudug iyo ciidamo ka socday dowladda dhexe dagaal qaraar kula galay degmada Guriceel.
Ninkaan oo ku jira saraakiisha darajada hoose ayaa la sheegay in saacadaha soo socda lala kulansiinayo madaxda sare ee Galmudug, si loogu dhiira-geliyo go’aanka uu qaatay.
Horay kooxda Ahlu-Sunna waxaa uga goostay saraakiil iyo ciidan dhiira-gelin ka helay madaxda Galmudug, gaar ahaan Madaxweyne Qoor Qoor oo dhab uu ka yahay dagaalka uu kula jiro Ahlu-Sunna.
Kooxda Ahlu-Sunna ayaa abaabul ciidan oo aan kala joogsi laheyn ka wada deegaanada dhaca waqooyi-galbeed magaalada Dhuusamareeb oo caasimad u ah Galmudug, ilaa hadana ma jirto cid si dhab ah u og qorshaha ama hadafka rasmiga ah ee kooxdaas.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________