khamiis: February 24, 2022
Dowladda Ukraine ayaa lagu wadaa in ay xaalad degdeg ah ku soo rogto dhammaan dhulkeeda, marka laga reebo gobollada Donetsk iyo Luhansk oo dhowaan Ruushka u aqoonsaday Dowladdo madax bannaan.
Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Ukraine ayaa sheegay in xaaladdaan deg dega ah la filayo in ay socoto muddo 30 maalmood ah, haddii loo baahdana la raacin doono 30 kale.
Xaaladda degdegga ah waa in si rasmi ah u ansixiyo baarlamaanka Ukraine. Waxaa la filayaa in cod loo qaado maalmaha soo socda.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________