khamiis: February 17, 2022
Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka Beledweyne uu ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamada Booliska iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran Haramcad ee la geeyey halkaasi.
Iska hor imaadka ayaa ka qarxay gudaha saldhigga Beledweyne, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan ciidamada Haramcad ay ku dileen taliyihii saldhigga booliska ee degmada Beledweyne Maxamed Xuseen Maxamuud (Duur-jooge) oo ku sugnaa saldhigga, xilliga ay dhaceysay is-rasaaseynta u dhexeysay labada ciidan.
dagaalka ayaa ka dhashay, kadib markii is faham waa uu soo kala dhex-galay labada ciidan, kaas oo ka dhashay dad lagu xiray saldhigga.
Sidoo kale arrimahaan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan Beledweyne uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo heshiis la gaaray reer Beledeyne, kaddib kulamo is-daba joog ah oo ka dhacay xarunta Hiiraan.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________