Hawalgallo qorsheysan oo lagu sugayo amniga degmada Beled-Xaawo loogana hortagayo weerarada Al-Shabaab ayaa Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ka fuliyeen degaano hoostaga degmadaas.
Howlgalka ayaa waxaa siwadajir ah u fuliyay Ciidamada Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka, Milatariga, booliska, iyo maamulka degmada oo ay Horkacayaan ,Abaandulaaha guutada 10aad gashaanle sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax, waxaana sigaar ah looga fuliyay xaafadaha ay ka koobantahay degmada Beled-Xaawo iyo degaanada hoosyimada sida,
Goos weyne Qalqaleey, Buuraha Jabi, Libaan raage, Haroo & Najax.
Saraakiisha Ciidaamda waxaa ay sheegeen inau howlgallada sii wadi doonaan howlgallada ka shanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga degmada Beled-Xaawo.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________