Sabti: February 12, 2022
Cismaan Abii Bakar Maadey oo tirsanaa kooxda Alshabab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.
Cismaan oo la sheegay in muddo saddex sano ah uu ka tirsanaa ururka Al-Shabab ayaa la sheegay inuu ka qeyb qaatay dagaalo dhowr ah oo ka dhacay gobolka Bakool.
Sidoo kale Ciidamada dowladda Soomaalida ayaa dhowr mar oo hore shaaciyay Saraakiil iyo xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay dowladda Soomaaliya.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________