645 Views

Al-shabaab oo sheegtay in ay xalay diileen Mid kamid Ergadii soo dooratay Xildhibaanadda Gobollada Waqooyi-Somaliland.

Al-shabaab oo sheegtay in ay xalay diileen Mid kamid Ergadii soo dooratay Xildhibaanadda Gobollada Waqooyi-Somaliland.
____________________________________________________________________________

Talaado: February 8, 2022

Qoraal kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu shegay in ay Nawaaxiga Xaafadda Carafaad Dagmada Yaqshid ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Mid kamid Ergadii soo dooratay Xildhibaanadda Cusub ee Golaha Shacabka BFS Gaar ahaan Xildhibaanada Gobollada Waqooyi-Somaliland.

Al-shabaab ayaa qoraalka ay soo dhiheen baraharaha ay Internetka ku leeyihiin waxa ay sidoo kale ku sheegen in qofka ay dileen Magaciisu ahaa Xuseen Ciidgale sida ay shegeen.

Saraakiisha Amaanka Dowladda wali kama aysan hadlin dilka Wallow Goobta uu dilku ka dhacay ay gaareen Ciidamo ka tirsan Dowladda.

Dagaalmayaasha Al-shabaab ayaa horay uga digay Ergada iyo Odoyaasha wax dooranayo iyagoona Sheegay in ay bartilmaameedsan Doonaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post