Axad: February 6, 2022
Sidii aad ku dhageysteen idaacaddii fiidnimo ee xalay waxaa la xaqiijiyay geerida labo qof oo Soomaali ah oo kamid noqday muhaajiriin gaaraya 19 qof oo dowladdu Turkigu ay sheegtay in maalmihii lasoo dhaafay ay meydadkooda ka heshay xadka ay la wadaagto dalka Giriigga.
Turkiga ayaa sheegay in Ilaalada xadka giriiga ay si qasab ah muhaajiriinta ugu soo celiyaan xadka turkiga xilligan oo qabow daran uu jiro.
Dhanka kalana waxaa jira waalidiin Soomaaliyeed oo mudooyinkan danbe baadi-goobaya caruurtooda oo aaney ku hayn nolol iyo geeri toona markii ugu wardambeysayna ay ka tahriibeen magaalada Istanbul iyagoo kusii jeeda dalka Giriiga.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________