Talaado: February 1, 2022
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa soo gabo gabeysay Shirweynihii Cilmi-baarista Caafimaadka Soomaaliya (The First NIH Health Research Conference) kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen sedexdii cisho ee lasoo dhaafay Wasiirka Caafimaadka Dwlalad Goboleedka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wakiilo ka kala socotay dowlad Goboleedyada dalka iyo masโuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda.
Gunaanadka shirweynaha waxaa kalmado qiima leh ka jeediyay Safiirka Dowllada Sweden u fadhiya dalkeena Soomaaliya Danjire Per Lindgarde, Wakiilka Ururka Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya, Dr Mamunur Malik, waxaana ay bogaadiyeen Shirweynaha, iyagoo si wa dajir ah u balanqaaday inay
Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur iyo Wasiirka Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Jaamac faarax Xasan ayaa u mahadceliayay cidkasta oo ka qeyb qaadatay suuragelinta Shirweynaha Cilmi-baarista Caafimaadka Soomaaliya ee sedexdii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Garoowe ee xarunta dowlad Goboleedka Puntland.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________