Axad: January 30, 2022
Magaalada beeydhabo ee xarunta ku meelgaarka ee Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya, Waxaa maanta lagu waddaa in ay ka qabsoomato Doorashadda 5 kursi oo kamid ah Gollaha Shacabka BJFS.
Gudiga Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo shalay xaqiijyay murshaxiinta u tartamayo 5 kursi ayaa shegay ay fuliyren Shuruudihii looga baahnaa Murshaxiinta kuwadda tartamayo 5-ta kursi oo maanta Doorashadooda la qabanayo.
Wariyayaasha degaanadda Koofur galbeed Soomaliya ayaa kusoo waramay in ay socoto Qabanqabadii ugu danbeeysay ee Doorshadda, sidoo kalana xalay la arkayay murshaxiinta kuwada tartamayeyso 5 kursi oo kulamo kala duwan ka waddo Magaalada beydhabo.
Kuraasta Maanta Doorashadoodaay dhaceeyso ayaa waxa ay kalayihiin, HOP-177, HOP-1853, HOP-175, HOP-184, HOP-159,
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kamid ah Maamulada doortay xubnaha ugu badan ee Golaha Shacabka BFS, sidoo kalana ah maamulka kaliya ee shaciyay Degaan Doorshada labaad.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________