486 Views

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo caqabadaha doorashada kala hadlay Safiirka Britain

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo caqabadaha doorashada kala hadlay Safiirka Britain
____________________________________________________________________________

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Fedeeral Muuse Geelle Yuusuf oo ay weheliyaan madaxa xiriirka caalamiga Maxamed Muuse iyo madaxa maamulka iyo maaliyadda Cabdi Udan ayaa kulan la qaatay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Kate Foster.
Guddiga iyo Amb Mrs Kate  ayaa waxay ka wada hadleen doorashada iyo caqabadaha ku gadaaman, iyagoo hoosta kawada xariiqay muhiimadda iyo dhameystirka doorashada Kulankan oo ahaa kulan miro dhal ah.

Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Kate Foster ayaa uga mahad celisay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Fedeeral dadaalkooda ku aadan doorasbooyinka, waxayna ugu baaqday inay si wanaagsan u qabtaan doorashada.
Hoggaanka Cusub ee Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin adag, waxaana ay wadaan wadatashiyo ay la leeyihiin Wakiilada Beesha Caalamka taas oo la xiriirta Arrimaha doorashooyinka

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post