558 Views

Cabdikariin Qalbi dhagax oo ka hadlay go’aanka ka soo baxay Golaha wasiirada.

Cabdikariin Qalbi dhagax oo ka hadlay go’aanka ka soo baxay Golaha wasiirada.
____________________________________________________________________________


Isniin: January 24, 2022

Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi-dhagax oo golaha wasiirrada Soomaaliya ay ka saareen liiskii lagu daray ee argagixisada, isaga iyo ururkiisa ONLF ayaa xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo soo dhaweeyey go’aankaas, aadna ugu mahadceliyey xukuumadda Rooble.

Qalbi-dhagax ayaa go’aan geesinimo leh ku tilmaamay, isagoo shaaciyey inay qaateen raali gelintii golaha wasiirrada Soomaaliya, isagoo ku hadlaya magaca ururka ONLF.

“Maqsuud baan ku ahay go’aanka xukuumadu gaartay, aad baana ugu faraxsanahay. Waxaana isku dayidoonaa inaan qabano xaflado aan dabaal dagayno go’aanka wasiiradda,” ayuu yiri Qalbi dhagax  

Qalbi Dhagax ayaa sheegay xukuumadii isaga dhiibtay in ay maalintii la dhiibay sharaftoodii dhimatay, marka laga reebo shakhsiyaad kooban oo uu sheegay in ay ka hor yimaadeen xukunka lagu dhiibay.

Wuxuu sheegay in dhiibistii ahayd mid midaysay qaluubta dadka Soomaaliyeed. Wuxuuse nasiib darro ku tilmnaamay dad weli katirsan golaha wasiiradda in ay aaminsan yihiin dhiibistiisii in ay ahayd sharci.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post