Sabti: January 22, 2022
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Xayir Ducaale ayaa manta dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aasaaska wargeeska dalka, dowladuna ay u aqoonsatay maalinta saxaafadda Soomaaliya, aawadeed dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan shaqaalaha warbaahinta dalka, gaar ahaan shaqaalaha wasaaradda warfaafinta meel kasta oo ay joogaan.
Agaasimaha Guud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay burburkii guud ahaan ku dhacay dalka, raadadkii uu ku reebay bulshada iyo saameynta uu ku yeeshay qeybaha saxaafadda ee Soomaaliya.
Cabdilaahi Xayir Ducaale waxa uu ku baaqay in qeybaha warbaahinta ay dadka u gudbiyaan barnaamijyo nabadeed iyo kuwo wax u taraya bulshada, isla markaana laga fogaado wixii dhaawacaya dhismaha iyo nabadda dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Xayir Ducaale , waxa uu xusay in dalka uu xilligaan ku jiro xaalad soo kabasho ah, isla markaana ay haatan socdaan dib u dhis iyo horumar baaxad leh, sidaa daraadeed,waxa uu ka codsaday qeybaha warbaahinta in dalka ay ugu adeegaan si daacadnimo ah oo ay ku jirto danta dadka iyo dalka.
Gabagabadii Agaasimaha Guud, waxa uu u rajeeyay shaqaalaha warbaahinta dalka,gaar ahaan wasaaradda warfaafinta in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan guul iyo barwaaqo
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________