792 Views

Qaar ka mid ah hadalladii ay xildhibaanada UK ka jeediyeen dooddii aqoonsiga Somaliland

Qaar ka mid ah hadalladii ay xildhibaanada UK ka jeediyeen dooddii aqoonsiga Somaliland
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 19, 2022

Gavin Williamson

“Sababta ugu weyn ee doodan keentay ayaa ah in laga hadlo xaqiiqada ah in Somaliland wax badan ku horumartay.

Runtii haddeynu nahay siyaasiyiinta golahan waxaan u baahannahay inaan arrintan hoggaamin ka muujinnaa, waxaan u baahannahay saaxibbadeen soomlailand inaan u muujinno inaan diyaar u nahay inaan difaacno sida ay iyaguba noo difaaceen, marka xitaa haddii aanu ka soo bixi karin dhammaan ballan-qaadyada caynkaas ah waxaanu jecelnahay in aanu niraahno, xataa haddii aynaan odhan karin Somaliland Ayaan imnkaba aqoonsaneynaa,waxaan u baahannahay inaan fadhiisanno oo aan ka tashanno sidii tallaabbooyinka xiga aan u sii ambaqaadi lahayn.”

Rushanara Cali

“Deegaankayga waxa ku nool dad aad u tiro badan oo ka soo jeeda Somaliland, kuwaas oo qoysaskoodu ay dhibaato ka soo gaadhay, aniga oo xaq u leh.

Somaliland sanadkii hore waxay u dabaal dageysay 30 sano ka dib markii lagu dhawaaqay gooni isu taagga.

Waxay dhistay Dawlad madax bannaan, lacag u gaar ah iyo doorashooyin dimuqraadi ah.

Waxay muujisay awoodda lagu dhisi karo dawlad. Miyaan la joogin waqtigii ay dawladda UK si rasmi ah u aqoonsan lahayd xaqa ay u leedahay inay aayo-ka-tashigeeda iyo baahida ay u qabto inay noqoto waddan madaxbannaan?”

Stuart Anderson

Stuart Anderson oo u jawaabayay xildhibaan Gavin Williamson ayaa yiri:

“Guddiga Difaaca ayaa hadda soo saaray warbixin ku saabsan ciidamada badda iyo muhiimadda ay badda u leedahay difaaca, wuxuuna xusay booqashadiisa isagoo ah Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka.

Miyuu ku raacsan yahay inay muhiim tahay in la aqoonsado Somaliland, iyadoo la eegayo muhiimadda istiraatijiyadeed ee goobtan difaac ahaan?”

โ€Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post