Sabti: January 15, 2022
Wararka ka imanaya degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaa gaareen qoysas ka barakacay tuulooyin hoos yimaada degmadaasi.
Qaar kamid ah qoysaskaa barakacay ayaa Saxaafada u sheegay inay ka soo carareen ururka Al-shabaab, oo go’adoomiyey deegaannadaa ay ka carareen waxayna sheegeen in intaas ay dhibtaa u wehelisay abaarta ku dhuftay tuulooyinka ay ka hayaameen.
Sidoo kale Dadkaa barakacay ayaa sheegay inay degdeg ah ugu baahanyihiin gargaar, waxayna Dowlada Soomaaliya ka codsadeen iyo Hay’adaha gargaarka in ay la soo gaaraan Raashin iyo Dawooyin Deg deg ah.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________