Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubaland oo maanta lagaga hadlay qodobo kale duwan.
Kulanka waxaa ugu horeyntii Madaxweynaha golaha oga warbixiyey xaaladda guud ee dalka iyo arimaha doorashooyinka oo xiligan lagu guda jiro sidii losoo dhameeystiri lahaa xubnaha kamid noqonaya kuraasta aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya.
Wasaaradda Caafimadka Jubbaland ayaa kawar bixisay xaalada caafimadka ee deeeganada Jubaland, waxa ay golaha usoo gudbisay in wali ay taagantahay xaalada Covid-19 isla markaana ay wadaan wacyi galinta bulshada iyo dadaalada ay xanuunkan ku xakamaynayaan.
Wasaarada Amniga Jubbaland ayaa golaha usoo gudbisay warbixino la xiriira amaanka deegaanada Jubaland. waxa ay sheegtay in feejignaan dheeri ah ay ku jiraan laamaha amniga maadaama uu dalku kujiro doorasho Al-Shabaabna ay isku dayayaan sidii ay ku dhibaateen lahaayeen dadka biramageeyada ah.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________