528 Views

Golaha Wasiirada Jubbaland oo Shir ka yeeshay doorashada Golaha Shacabka

Golaha Wasiirada Jubbaland oo Shir ka yeeshay doorashada Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah.
Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa looga hadlay Amniga, Dhameystirka nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Nabadeynta Colaada Saax-maygaag iyo qabashada Doorashadda Golaha Shacabka ee DFS.

Puntland waxaa ka go’an dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, waxaana Golaha looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa qabashada Doorashadda ee degmooyinka kale ee Puntland.
“Doorasho hal cod iyo hal qof in ay Puntland ka dhacdo waa arrin Dastuuri ah, waa go’aan la gaaray 1998-dii illaa iyo hadana lagu taameyey, anagana waan billownay waana naga go’antahay inaan dhammaan Puntland ka qabano.” Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Hay’addaha Dowladda ee ay khuseyso, in lagala shaqeeyo Guddiga Doorashada dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo dhakhso la qabanayo. Sidoo kale waxaa la dardargelin doona qorshaha doorashada looga hirgelinayo dhamaman degmooyinka kale ee Puntland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post