Axadf: January 9, 2022
Wararka ka imaanaya Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa sheegaya in Xukuumadda ku amartay maamulada degmooyinka in ay hakiyaan dhamaan mashaariicda degmooyinka ee hormarinta hakad la galiyo loona jiheeyo ka jawaabidda sameynta abaaraha xoogan ee ka jira deegaanadaas.
Arrintan ayaa imanaysa xilli deegaannada qaar laga soo warinayo biyo yari baahsan oo saamaysay dad iyo duunyaba.
Sidoo kale Cumar-faaruuq Xaaji Warfaa, oo ah wasiir ku xigeenka madaxtooyada dowlad deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in arintaan ay timid kadib markii ay soo badatay baahida iyo dhibaatada abaaraha.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________