Talaado: January 4, 2022
Guddiga loo saaray baaritaanka dhacdadii 27 December ee isku daygii la doonayay in lagu afgambiyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa si rasmi ah u guda-galay howshooda baaritaanka, iyadoo illaa hadda shirkooda saddexaad yeeshay.
Ilo wareedyo muhiim ah oo ku dhow dhow Guddiga ayaa sheegaya in su’aalo la weydiiyay saraakiisha Ilaalada Madaxtooyada, kuwii heeganka ku jiray subixii isku dayga uu dhacayay ee Ciidamada lagu dul dhigay Xafiiska Iyo Guriga Ra’iisul Wasaaraha.
Guddigan oo laga sugayo in muddo todobaad ah ku soo gabagabeeyaan baaritaanka kiiskaas ayaa la filayaa inay soo bandhigaan warbixin ku saabsan qaabkii uu isku dayga u dhacay iyo cidii ka dambeysay ee amarka bixisay.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________