Khamiis: December 30, 2021
Taalla cusub oo ah ciyaaryahanka xulka waddanka Burtuqiiska ee Christiano Ronaldo ayaa kala aragti duwanaansho ka dhalisay dalka Hindiya.
Taalladan oo la dhigay gobolka galbeed ee Goa, halkaas oo can ku ah kubadda cagta ayaa saraakiishu waxay sheegeen inay dhiiragelin u noqon doonto da’a yarta.
Balse Goa ayaa sidookale waxaa hore u guumeystay Burtuqiis, 60 sano ayaana ka soo wareegatay markii gobolka laga xoreeyay Burtuqaal.
Dadka wax dhaliila waxay qabaan, in ciyaartoyda kubadda cagta ee u dhashay dalka Hindiya ay tahay in la sharfo, maadaama inta badan ciyaartoydii hore iyo kuwa hadda ee metala xulka qaranka Hindiya ay ka soo jeedaan gobolkaasi.
Aad baan uga xumaaday markii aan maqlay in taallada Ronaldo laga taagay dalka. Aan isku dayno inaan ku faanno xiddigaheenna kubadda cagta sida Samir Naik and Bruno Coutinho,” ayuu yiri mid kamid ah shacabka ku nool gobolka Goan oo la hadlayay wakaaladda wararka ee IANS.
Markii xariga laga jarayay taallada, dadka qaar ayaa dibedbaxayay iyagoo lulaya calamo madoow, sida uu ku soo warramay wargeyska Times of India.
Ciyaartoyda xulka qaranka ee Burtuqiiska ayaa aad looga yaqaannaa gobolka Goa, dad badan oo deegankaasi ah ayaa muddo ku noolaa Burtuqaal ama qoysas ku leh halkaasi sababo la xiriira guumeysigii hore.
Balse dadka qaar ee ku nool isla gobolkaasi Goa ee dalka Hindiya, ayaa qalad u arka in taallada Ronaldo la taago dabbaaldegga 60 sano guuradii ka soo wareegtay markii Goa ay ku guuleysatay inay xorriyad ka qaadato guumeysigii Burtuqiiska, taas oo dhacday 14 sano kaddib markii guud ahaan Hindiya ay xorriyadda ka qaadatay guumeystihii Ingiriiska.
“In sanadkan la taago taallada ciyaartoy u dhashay dalka Burtuqiiska waa xushmad darro” ayuu yiri Guru Shirodkar nin u dhaqdhaqaaqa xisbiga garabka midig.
“Waxaa jira dad badan oo u soo halgamay xorriyadda Goa oo la aflagaadeeyay” ayuu intaasi raaciyay.
Michael Lobo oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga talada hayya ee Bharatiya Janata Party (BJP), oo laga soo doortay deegankaasi, ayaa bartiisa tweeterka soo dhigay sawir oo uu ku galay goobta taallada, wuxuuna sheegay in taallada Christiano Ronaldo la taagay kaddib markii “ay codsaden dhalinyaradeenna” “si aannu u dhiiri gelino” “si ay kubadda cagta u gaarsiiyaan heer sare”
Cristiano Ronaldo, oo haatan u dheela kooxda Manchester United ayaa waxaa aad u jecel tageerayal badan, waxaana loo haystaa inuu kamid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan taarikhda kubdda cagta.
36 sano jirkan afka hore ugu dheela kooxda Manchester United Ayaan weli ka hadlin arrinta la xiriirta taalladiisa ee laga taagay gobolka Goa ee dalka Hindiya.
Ma aha markii ugu horeysay oo uu buuq ka dhasho taalladiisa. Sanadkii 2017-kii, waxaa lagu jeesjeesay taalla cajiib ah oo Christiano Ronaldo ahaa, waxaana markii dambe lagu bedelay oo laga taagay garoonka diyaaradaha Madeira ee dalka Burtuqiiska.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________