585 Views

Booliska Soomaaliya oo looga digay inay ku milmaan Siyaasadda

Booliska Soomaaliya oo looga digay inay ku milmaan Siyaasadda
____________________________________________________________________________

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa Ciidanka uga digay inay ku milmaan arrimaha Siyaasadda, xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Taliyaha oo kulan isugu yeeray dhamaan Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegay in marxaladda dalka uu kujiro aawgeed ay muhiim tahay in  dhamaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay noqdeen kuwo nadiif ka ah siyaasadda iyo waxaan aheyn Shaqadooda.

” Mas’uuliyadeena koowaad waxaa waaye inaan ilaalino Amniga, Nafta, Maalka Shacabka Soomaaliyeed, inaan fulino rabitaanka Shacabka Soomaaoiyeed iyo waxaay xaq u leeyihiin, sidoo kale inaan dhowrno Odayga waayeelka ah l, Wiilka yar iyo midka Bajaaita ku Shaqeeysanaya ayuu yiri” Taliye Xijaar.

Sidoo kale Taliye Xijaar ayaa ku amray Saraakiisha Ciidamada markii dalka xilligaan oo kale uu maraayo ay ku ekaadaan Amniga Guud ee dalka, isaga oo sicad u sheegay in Ciidamada Booliska ay mas’uuliyiin ka yihiin amniga doorashooyinka ka dhacaya dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadi4

Shalay ayay aheyd markii Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage kulan uu la qaatay Saraakiisha Ciidamada Millateriga uu ku amray in aysan ku milmin Arrimaha Siyaasadda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post