Isniin: December 27, 2021
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray Dhismaha suuqa cusub ee degmada Deyniile oo si casri ah loo dhisay, suuqaas oo loogu talagalay in bulshada reer Deyniile ku ganacsadaan.
Sidoo kale duqa muqdisho ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Hooyada iyo Dhalaanka M.C.H-ka degmada Deyniile oo loogu talagalay in si bilaash ah loogu adeego bulshada kunool degmada dayniile.
Furitaanka labada meel waxaa Goobjoog ka ahaa masโuuliyiin katirsan Maamulka gobalka Banaadir,qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan dagmada deyniile.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________