Sabti: December 25, 2021
Xili maalmo ka hor baraha bulshada la soo dhigay dacaayad ka dhan ah Raisal wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa arintaas caawa ka hadlay Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala.
Al-Cadaala ayaa shir jaraa’id ku shegay in aan loo dul qaadan karin aflagaadada Raisal wasaaraha ay u jeediyeen Taliyayaal Ciidan.
Sidoo kale Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in dadka isku howlaya inay magac-dilaan Ra’iisul Wasaaraha ay caqabad u raadinayaan howsha socota ee doorashada oo danahooda gaarka ah ay ka dhex-waayeen, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in saraakiil iyo mas’uuliyiin dowladeed loo adeegsaday fidinta dacaayadahaas ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Qaranka.
Office Nairobi kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________