Axad: December 19, 2021
Wasiirka Arrimaha Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, oo ka qayb galay Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa gaaray Magaalada Islaamabad ee dalka Pakistaan, halkaas oo siwyen loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa ay ka qeyb geli doonaan shirweynaha Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, kaas oo dhawaan ka furmaya Magaalada Islaamabad ee dalkaasi Pakistaan.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Pakistan Marwo Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa sheegtay in shirka Iskaashiga Islaamka looga hadli doono arrimaha dalka Afghanistaan laguna caawinayo Shacabka dalkaas iyo qodobo kale oo ku saabsan dhibaatooyinka kajira dalalka Islaamka.
Shirweynaha Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo sanad martigelineyso dowladda Pakistaan ayaa waxaa ka qeyb galaya wufuud kala duwan oo ka kala yimir wadamada Islaamka, kuwaas oo shirka isku dhafsan doona fikrado kala duwan.
Wasiirka Arrimaha Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa shir doceedyo kala duwan la qaadan doona Mas’uuliyiinta kala duwan ee ka qeyb galeysa Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC.
Office Nairobi kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________