khamiis: December 16, 2021
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobalka Hiiran Cali Jayte uu kulan la qaatay Mas’uulayiin ka kala socotay urur gobaleedka IGAD iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in kulankaan looga hadlay dib u heshiinta labo beelood oo walalo ah oo dhawaanahan ku dagaalamayay degaannada Deefow iyo Kabxanleey oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.
Sidoo kale Kulanka ayaa lagu gorfeeyay sidii loo gudo geli lahaa dib u heshisiin iyo sidii labada dhinac la isugu keeni lahaa si xal waara looga gaaro colaadda degaannadaas.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________